Post View....

qiso dhab ah oo jaceyl ah kaana oohin Doona Mararka qaar dhan walba qiiro,Murugo iyo Jaceyl Madaxa Qaadi Maysid Part 1

0
7

6 sanno ayaa u raaca labaatanka, qurux ayaa u raacda
maskaxda, laydh diirran ayaa u raacda qorraxda.

Magaceedu waa Najax.

Madaxa maro cawl ah ayaa si khafiif ah ugu dul goglan, hoos marka ay u soo dhaadhacdo ayay
dhex gashaa midabka guduudka ah ee diraca garbaheeda hoos uga
daaddega.

Jooggeeda ayaa salka ku haya cagaheeda oo ku dhex jira
kabo dhererkeeda wax ku daray. Marada ay ku dhex jirto ayaa ka
noqota gummudka dushiisa, hoos waxa uga soo rogmada gacmo
korkooda jugta laga dhowray. Faraha hore ee gacanteeda bidix ayaa
laabta ka garaacaya telefoon ay indhaheeda aan wada furnayni hoos u
dhowrayaan.

Sahra iyo Hoodo oo jidka ku soo jira ayay ku sugaysaa
guriga hortiisa. Shinni iyada iyo ubaxa kala garan weydey ayaa
korkeeda ku dheelaysa. Ballanbaallis aan u fahmay in ay iyada
daawanayso ayaa laan aan durugsanayn soo fadhida. Baabuurkii ay
sugaysay ayaa meel aan fogeyn ka soo baxay. Farxad ay xuub caaro ku
qarinaysay ayaa meel dhow ka soo boodday. Dhego aan soo gaadhin
meel ay wax ka maqlaan ayay dhawaaq ka hor geysay.

– Naayaadeheen, oo shantiinna daqiiqo ma sidanaa? Naa bal
naagahan eega.
Baabuurkii agteeda ayuu istaagay, qosolkii dhinaceeda ayuu ka
socdaa, BK-na hawshiisa ayuu haystaa. Meel saddex tallaabbo u jirtay
ayay sagaal ku gaadhay. Kursiga intii aanay si fiican u fadhiisan ayay la
soo boodday ”naa walaal bal heesta iga naaqusa yaanu aabbo i
maqline”.

Sahra oo aan hadalka meel fog ka doonin ayaa u celisay
”oo aabbahaa muxuu tobanka subaxnimo guriga ka qabanayaa?”.
Najax oo aan is dhibin ayaa ku dhirbaaxday ”naa aabbahay ma sida
aabbahaa ayuu meelahaa wareegaa, dee reerkiisuu la joogaa”.

HoodoLix oo meel kale ku maqan ayaa ku darsatay ”naa walaal wallaahi heestani
way igu socotaaye!”. Qosol ayay midba in qadhiidhatay. Dhankii
jaamacadda ayay u jeedsadeen si ay ardayda kale farxadda ula
qaybsadaan inta aan dhanka hudheelka loo kicin kahor.

Saddex saacadood ayaa uga hadhay wakhtigii qalin-jabintooda. Shan sanno oo
qosol iyo baroorba lahaa ayaa maanta ku eeg. In ka badan oo farxad
iyo murugoba leh ayaa maanta ka bilaabmaya.
Waa gashaantimo, haddii aanay guur diyaar u ahayn, maanta waa u
diyaar.

Marmarsiiyo kasta oo ay la iman jireen, kan maanta ayaa ugu
dambeeyey. Balse ha la guursado ma xumee, ayaa guursanaya?
Hoodo ayaa bilowday. ”Naa heedhaha, naa walaal raggii xaggay ka
dhaceen?”.

Sahra: oo naa ragga maxaad ku falaysaa?
Najax: naa adigu iska aamus, horto maxaad innamada ku neceb
tahay?
Sahra: akhas caleeg, oo maxaa rag lagu falaa!
Hoodo: naa tani waa nin.
Najax: waa nin dabeecad xun weliba. Naa maxaad haaye walaal ragga
ku nacday, maxay kugu sameeyeen?

Sahra: idinku maxaad guurka kaga degdegaysaan? Anigu haddaan
guursadana laba carruur ah ayuun baan dhalayaa.
Hoodo: toban ayaan kuugu duceeyey.
Najax: haa, Ilaahay idamkii.
Sahra: isku baxa.
Hoodo: aamiin, naa ma habaar ayay moodaysaa carruurta.
Ilaahayoow sagaal duufle ayaan ku weydiistay.

Najax: naa dee haaye adna walaal duufka ka reeb.
Hoodo: Ilaahayoo duuf iyo dhareerba isugu dar.
Sahra: naagtu duco xumaa, Ilaahayoow intaba sii.
Najax: naa heedhe Hoodo, horto adigaaba mid la sheekaystee, kii ka
warran?
Sahra: naa waa saddex.

Hoodo: haaye labada kale waa dhareerleyaale, mid uun baa wax kala
garanaya. Kaasina waa kii sheeko la yimid.
Najax: sheeko maxaya?
Hoodo: suuqa anoo jooga ayaan ku idhi ”i soo doon”. Kuye ”i sug
aan furaha hooyo ka soo qaadee”. ”Alla hoognay” uun baan idhi,
”waar ma hooyaa furaha gaadhiga kuu haysa?”. Kuye ”haa”, af
adakaa! Dee saddex cisho la maan hadal. Kolley hudheelka ayaynu
ku arki doonnaaye.

Sahra: weligeed ayay handhikaabka la sheekaysan jirtay. Mid
masaasad jaqana waad la hadli doontaa adigu.
Hoodo: bisinka bisinka, hoostaada ma dhaafo. Naa walaal wuu igu
carruuroobay kaasiye iga daayoo, adigu maxaad isla haysaa.

Najax: haddaan ku idhaa mid aan ka helaba ma arag miyaad ila
yaabi?
Hoodo: oo maxaad raadinaysaa?
Sahra: Jastin Biibar.
Najax: wallaahi walaal waxaasi waa iska kaftane, laakiin weli mid i
cajabiyaba ma arag. Imika hablo wax bartay ayaynu nahay, waa in
aynaan cid kasta la hadlin dee. Naa mise waa beentay?
Hoodo: mayee waa sidaa wallaahi. Ilaahayoow kuwii jannada ka soo
xagaa-baxay na tus.

Sahra: kuwo hooyadood faraqa haysta.
Dhismihii jaamacadda ayaa durba hortooda ah. Halkaas ayay
sheekada ka sii wateen intii laga gaadhayey wakhtigii xafladda.
Xaflad midabbo badan, dad magacyo badan, iyo farxad noocyo
badan. Intuba iyaga ayay diyaar ugu yihiin meel aan aad uga
durugsanayn barta ay hadda joogaan. Maanta waa maalintii laga
maydhi lahaa daalkii shantii sanno ee u dambeeyey, waa maalin ka
mid ah maalmaha kooban ee ay dunida ku leeyihiin.

Ehelkii iyo asxaabtiiba way iman doonaan, inta maqanna caawa ayay shaashadaha
ka daawan doonaan. Madaxda dalka ayaa hadallo caajis badan ka
jeedin doona, marka mid laga reebo. Waa wiilka uu madaxweynuhu
dhalay ee la yidhaa Najax. La ma hubo in uu imanayo, haddii se uu
yimaaddo, xiddigga madasha ayuu noqon doonaa. Doob aan weli
guursan, joog aan tuur lahayn iyo maal aan is aqoon.

Qurbaha ayuu ku maqnaa dhowr sanno,

waddankana aad looga ma yaqaanno.
Goortii xafladda ayay laba saacadood dhaaftay. Qaybtii fasalkooda
loogu talo galay ayay ku hagaageen iyaga oo saddex ka badan. Wax
yar kaddibna aayado qur’aan ah ayaa yeedhay. Khudbado dhaadheer
ayaa xigay, iyaguna sheeko ayay hoos u wadaagayaan.

Najax oo qosol ku maqan ayay dhegaheedu maqleen magaceeda ka yeedhay laba iyo
tobanka sameecadood ee goobta ku xidhan. Dhegaha ayay taagtay
iyada oo qosolkii degdeg u hakisay. Magaca in la la wadaagi karo ayay
illowday.

Weliba in wiil la wadaagi karo ayay illowday. Wiilka
madaxweynaha. ”Ku soo dhawoow makarafoonka mudane Najax”.
Indhaha ayay dhowr gidaar ka soo jartay intii aanay muuqiisa haleelin
kahor. Qoorta ayaa dhowr jeer kala baxday. Way aragtay. Daanka
hoose ayaa hoos u dhacay. Haddii ay qurux raadin jirtay, kii ay ku
rarnayd ayay aragtay.

Dhegaheeda ayaa sacabka dhacaya dhawaaqiisa
iska xidhay si ay indhaha u caawiyaan. Qoorteeda ayaa la socotay
tallaabadiisa uu ugu dhaqaaqay goobta hadalka. Indhaha ayaa illoobay
in ay libiqsadaan. Shanta dareen iyo laba kale oo ay soo ergisatayba
isaga ayay siisay. Hoos ayay u tidhi ”dhibicdan malabka ahi xaggay ka
soo ‘tif’ tidhi?”.

Magaciisaa kor loo yidhi, jabaqdaa hoos loo dhigay. Indhaha hoolka
jooga, labadiisa mooyee, inta kale isaga ayay hayaan. Ma uu sii nagaan
markii uu kor u booday, ma uu hakan markii uu hore u dhaqaaqay.
Hugiisa caddaanka iyo madowga kala sarreeya u qaybsan ayaa ka
dhex muuqda dadka uu sii dhex marayo. Afar askari oo dharcad ah
ayuu sii dhaafay isaga oo isha ka salaamaya.

Najax oo aan ka dheereyn barta uu marayo ayaa rajaynaysay in uu dhankeeda soo
eego. Socodkiisa dhiirran ayuu sii watey. Tallaabbo kasta oo uu u
qaado dhanka masraxa, waxa ay ahayd mid uu qalbigeeda ugu
dhowaanayo. Dusha ayay ka yeelatay. Dhankeeda in uu u soo socdo
ayay laabta gashatay. Way iska dhoolla-caddaysay. Indhaha ayay ka
dhex saartay, meel aan ka durugsanayn markii uu soo istaagay, ”i soo
eeg” ayay hoos u lahayd.

Muuqiisa ayaa deeqay, magaca ayaa u raacay.                                                                                                                                                                                            In uu ina madaxweyne yahay, iyada cabsi ku ma hayso. Laydh
beerkeeda lushay ayaa filanwaa ugu dhuumatay. Jidhkeedii ay iyadu
lahayd ayaa maammulkiisa laga la wareegay. Xubnaha ayaa dabcay,
lafaha ayaa dareeray, naqaska ayaa isku taagay. Iyada oo aan waxba
cunin ayay margatay.

Codkii ka soo yeedhay dhuumihiisa hadalka ayaa kiciyey xaadda
dhegaheeda dushooda hurudday. In uu iyada u sheekeynayo ayay ka
dhigatay. In ay ka gurto ayay damacday. Hoos ayay u guuxday, ”haye,
waa runtaa, intaa aad tidhiba waan kugu raacay” ayay isu raacisay
markii uu salaanta uun dhammeeyey. Hoodo oo ku xigtay ayaa
dareen qaadatay. Cod dheer ayay riyada kaga kicisay.

– Hoognay, naa bal afka uun isku qabo, bisinka iyo salliga.
Sahra oo sii jeedday ayaa soo jeedsatay.

– Maxaa helay?

– Naa dee sowta inanka cuntay.
– Naa inaadeer waad anshax xun tihiine dadka dhegeysta marka ay
hadlayaanoo naga aamusa, ayay Najax isu raacisay.
Sahra oo aan weli fahmin waxa socda ayaa su’aalaheedii sii wadatey.
– Maan fahmin, calashaan ma yarkan kuusan bay daawanaysaa?

WAA QEYBTII 1AAD LASOCO QAYBTII 2AAD

About Author