Post View....

Kuushu weey inoo dhawdahy lakiin waxaa inoo haray maalmo kooban oo adag samirka aan kaashano.

0
4
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.
Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Abdi Kaariye ayaa ka qeybgalaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah kaga furmay caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SOO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA JUBALAND.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa caasimadda Dowladda Galmudug usoo gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa caasimadda Dowladda Galmudug usoo gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug kadib dib xoreynta argagaxisada khawaarijta lagaga xoreeyay degmada qaddiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamadda xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ee soo hooyay guushan taariikhiga ah.
Madaxweynaha ayaa yiri “ Xorreynta Ceelbuur iyo deegaannada kale, waxey ka dhigantahay gaaridda Galmudug ka caaggan kooxaha argagixisada. Waxaan xoogga saari doonaa gaarsiinta adeegyada bulsho oo ay khawaarijtu ka hortaagneyd dadweynaha muddo dheer. Dowladda Galmudug waxay si dhaqsa ah u gaarsiin doontaa dadweynaha adeegyada aasaasiga, waxayna ugu baaqeysaa hey’adaha gargaarka, saaxiibbada caalamiga ah in ay gacan ka geystaan adeegyada bulshada.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa yiri “ Dadweynaha ku nool deegaanada laga eryay Khawaarijta, waxaan la wadaageynaa farxadda, waxaana ciidanka geesiyada ah ku ammaaneynaa sida ay u dhowreen xuquuqda muwaadiniinta intii ay ku guda jireen howlgalada iyo sida ay neecawda xorriyada ula wadaageen, una soo dhaweeyeen oo ay u muujiyaan wanaagga dowladnimada. Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadweynaha iney ka qayb qaataan dhammeystirka halganka dib looga xoroobayo aragagixisada, islamarkaana soo dhaweeyaan ciidamadda geesiyaasha iyo hay’adaha Dowladda.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Reysulwasaaraha JFS Xamse Cabdi Barre iyo Reysulwasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SOO DHAWEEYAY REYSULWASAARAHA & REYSULWASAARE KU XIGEENA JFS

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Reysulwasaaraha JFS Xamse Cabdi Barre iyo Reysulwasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac.
Imaatinka Reysulwasaaraha iyo Reysulwasaare ku xigeenka ay usoo gaareen Galmudug si ay uga qayb galaan shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay dhaarinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Galmudug oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynuhu.
Guddoomiyaha baarlamaanka Dowladda Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa dhaariyay Mudane Daauud Cali Caddow, guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

About Author