Post View....

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta.

0
6
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.
Waxwalba waxaa sal u ah nabad in lakeenana waa in waxwalba loo huro naf iyo maalba leh intiina waa ow huray. Madaxweyne weligaa tala haay. Ma jirto fursad iiga muhiinsan in dal xur ah aan helno fursadaa in dayacnaa wax walba waa nagala xuntahy. Fursadaa kuwii ka faideysta allaha nagawada dhigo.

mdaxweynaha ayaa si live call ah kalahadlayay shacabka iyo siyaasiyiinta dalka qaarkamid ah

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaan go’aansanay in aan kaashano shacbiga Soomaaliyeed halkii aan sugi laheyn kaalmo shisheeye iyo Amisom. Abaabul badan kadibna guulaha la gaaray waxa ay ku yimaadeen in Shacbiga uu dagaalka Khawaarijta qeyb ka ahaa”

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Looga Hadlayo Amniga Iyo Xasilinta Dalka Ayaa Ka Furmay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.
Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso dabar-goynta kooxaha argagixisada ah oo ay ciidamada qaranku kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Haweenka Soomaaliyeed Ku Bogaadiyay Doorkooda Dagaalka Dalka Looga Xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u yimid, garab istaagga ciidamada qalabka sida ee ku jira dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.
Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalkeenna.
Dhankooda, haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogidoonaan wiilashooda qaybta ka ah halganka dalka lagu xoreynayo.
Kualnka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS, Wasiirka haweenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Guddiga Wacyigelinta Qaranka.

Agaasimaha Cusub Ee Madaxtooyada Qaranka Oo Maanta Xilka La Wareegay

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimahii hore ee Madaxtooyada.
Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud Agaasimihii hore ee Madaxtooyada oo u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hawl-wadeennadii lasoo shaqeeyay ayaa tilmaamay in sanadkii uu Xafiiska joogay uu wax la taaban karo ka qabtay horumarinta maamulka Madaxtooyada iyo fulinta siyaasadda Madaxweynaha.
Agaasime Cabdixakiim oo horey u ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xil-wareejinta kusoo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka isaga oo adkeeyay sida ay maamul iyo hawl-wadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.
Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada ayaa sidoo kale xusay in muhiimad gaar ah uu siin doono doorka shaqo ee Madaxtooyada uga aaddan horumarinta dalka, dayn cafinta iyo dhammeystirka Dastuurka, waxa uuna ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyadda loo igmaday.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Abshir Maxamed Axmed oo ka qayb galay munaasabadda ayaa u mahad-celiyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada waxa uuna Agaasimaha cusub u rajeeyey in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtooyada.

About Author