Post View....

dagaalkii Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

0
5
Waraysiga uu Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare siiyay Hanoolaato, waa mid laga dheehan karo quus ku aadan booska ku xigeenka IGAD!
Madaxweyne hore Waare isaga oo ah Ergay gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha xasillinta, waxa uu niyad jab ku abuuraya ciidanka Xoogga ee ku howlan la dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada AS, sidoo kale waxa uu u gafayaa wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Dhammaan eedaha uu u jeedinayo waa kuwa uu uga dan leeyahay sumcad dilka wasiirka iyo tabasho guud ahaaneed ee uu ka qabo dowladda, xogo aan helayna waxa ay sheegayaan Waare in uu aad u raadinayay booska Ku xigeenka IGAD oo dhawaan Soomaaliya la siiyay, balse raadinta kursigaas uu ku hungoobay.
Waare waxa uu hadda ku sugan yahay waddanka Kenya oo uu waraysiga ku bixiyay, wasiirka Gaashaandhigga ee uu weerarka ku qaadayna waxa uu ku sugan yahay furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
Gartu Alle ayey taqaan, ee yaa dhaliil mudan? ma ninka waddanka ka cararay?, mase midka duurka ku jira oo ay ka go’an tahay la dagaallanka iyo ciribtirka Argagixisada?.

“Madaxweyne Xasan Sheekh saaxiibadiis ugu dhaw ayaa qatar galinaya. Hawiye dhab kama aha Dagaalka AS”

“Madaxweynow soo laabo amaankaaga ayaaba halis ku jira oo beylax ayaad tahay. Dadkaan kula shaqeeya iyagaan rabin inay dagaalka si dhab ah kula galaan”
“Wasiirka gaashaandhiga aniga raxaweyn aya i dhalay oo naceeb uma qabo lakin Madaxweynow soo laabo oo Wasaarada Gaashandhiga soo fariiso si aad wax badan u ogaatid”
Sideed u aragtaa hadalada Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ?
Xogo aan helay ayaa sheegaysa in madaxweynihii hore ee Hirshabelle Waare uu ka caraysan yahay in Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS u ka biya diidday dhowr mashruuc oo uu watay xafiiska Waare kuwaas oo ku aaddan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha laga xorreeyay argagexisadda.
Waare oo Dhuusamareeb u joogay sidii uu UN ka lacago uga qaadan lahaa howlaha la xariira xasillinta goobaha la xorreeyay ayaa ka xanaaqay is hortaaga wasiirka Gaashaandhigga, halkaas ayuuna ka billawday dagaalka uu ku hayo.
U jeedka ugu weyn ee Waare waxa uu yahay waan iskaa dhaafinayaa oo buuq ayaan kugu furaa, si qof aan isla xariiftami karno uu booskaada u beddelo.
Muhiimadu waa in runta Laga hadlaa mdxwyne waare wax xaqiiqa ayuu ka hadlaya waxa cadayn kugu Filan markuu yiri xataa wxn Diyaar u ahay in wasiirku maxkamad ila tago oo I Dacweeyo.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb.
Iyadoo laga anba qaadayo marxaladaha kala guurka ah iyo dadaallada aan ku dooneyno in is-ogol,wadatashi ku saleysan wada jirka shacabka Soomaaliyeed ayaan ka Hirshabelle ahaan saacadaha soo socda kaga qeybgali doonnaa shirka dhuusa-mareeb tree oo horay loogu wada ballansanaa in uu kadhaco caasimadda Dowlada Galmudug.
Wafdi uu hogaamin doono Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Mohammed Abdi Ware ayaa maanta gaari doona Magaalada Dhuusa Mareeb ee caasimadda Galmudug.
Waxaan u rajeynayaa in shirkaasi wadatashiga ah uu noqdo mid ay kasoo baxaan wax umadda Soomaaliyeed farxad galiya ,dalkana u horseeda xasalooni siyaasadeed.
Sidaa waxaa bartiisa FACRBOOK uu ku shaaciyay afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro.

About Author