Post View....

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Kumeel-Gaarka Ah Ugu Shaqeynaya Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug

0
5

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Kumeel-Gaarka Ah Ugu Shaqeynaya Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.
Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.
Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Guddoomiyey Shirka Amniga Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.
Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis.
Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa.
Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Guddiga Qaran Ee La Dagaallanka Lacagta Sharci-Darrada Iyo Maalgelinta Argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab.
Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.
Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maraykanka Kala Hadlay Cunaqabteynta Maaliyadeed Ee Argagixisada Alshabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.
Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo ladagaallanka argagixisada.

About Author