Post View....

Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada

0
27

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA MARAYKANKA

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin. Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

MADAXWEYNAHA JFS OO KA CODSADAY GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBEY IN AY KA QAADAAN SOOMAALIYA CUNAQABATEYNTA HUBKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi xooggan oo ku aaddan in ay dalka ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka.

Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbaddiisa jeedinayay.

Amniga Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay guulo wax ku ool ah oo ku aadan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, taas oo fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah.

Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaqdhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho.”

Cunaqabataynta Hubku, waa caqabad amni Madaxweynaha ayaa adkeeyey in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “”

In kasta oo aanu ku tallaabsannay horumar la taaban karo, haddana geeddiga aanu ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah waxa ku hor gudban caqabad adag oo ah cunaqabataynta hubka ee qarankeenna lagu soo rogay sanadkii 1992.

Sidaasi awgeed, waxaan si cad hoosta uga xarriiqayaa in Soomaaliyada hadda (2023) aanay ahayn Soomaaliyadii shalay (1992).”

Qaadista Cunaqabataynta HubkaMadaxweynaha, ayaa mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka, waxa uu ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. “

Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena.”Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada.

Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal.

Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin lahayd inaan waxbarasho helo. Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn.

Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed. Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin kuwaas oo haatan tababar ku jira.

About Author