Post View....

Duqa Muqdisho ayaa dhagax dhigay dib u casriyeenta Darjiinka Arbaca Rukun

0
32

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeenta Darjiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamar Weyne oo kamid ah goobaha qadiimiga ah ee ku yaala Caasimadda.

Goobtan uu dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay ka hor ku dhawaad qarni, goobtaas oo loogu talagalay in ay isugu yimaadeen bulshada, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan qaaday in Dowladda Hoose Xamar ay ka go’an tahay dib usoo nooleynta goobaha taariikhiga ee ka turjumaaya jiritaanka Caasimadda.

RA’IISUL WASAARE KU XIGEENKA XUK.F.S IYO SAFIIRKA UK U FADHIYA SOOMAALIYA AYAA TABABAR SOCDAY AFAR MAALIN USOO XIRAY SARAAKIIL IYO SARAAKIIL XIGEEN KATIRSAN CIIDANKA XDS

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xuk.F.S ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tababar la xariira Isku Xirka Shacabka & Ciidanka XDS usoo xiray Saraakiil Iyo Saraakiil Xigeeno katirsan Ciidanka XDS kuwaas oo qaadanayay muddo dhan afar casho.

Tababarka oo ay soo agaasintay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka Ciidanka XDS G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali si kor loogu tayada Saraakiisha &Saraakiil xigeenada Ciidanka XDS ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Magaalada Baraawe Waxaa Maanta Soo Gaaray Masuuliyiin isugu Jira wasiiro Heer Federal iyo dowllad Gobaleed iyo Saraakiil Ciidan.

Masuuliyiinta waxaa qeyb ka ahaa Bahda Garsoorka dalka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida General Liiban Cali Yarow Iyo Gashaale Sare Xassan Cali Nur (Shuute) Gudoomiyaha Maxkadda Darajada 1aad Ciidamada Qalabka Sida Mas’uuliyiinta Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Baraawe ku Soo dhaweeyay Gudoomiyaha Mamulka Gobalka Shabellaha Hoose’Mudane Maxamed Ibraahim barre oo u wehliyo Gudoomiyaha Degmada Baraawe Dr Liibaan Abuukar Osman Baffo Ujeedka safarka wafdigaan ayaa ah Dhameystirka Xal U helida shaqaaqadii 12-kii Bishan june Ka Dhacday Degmada baraawe.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan DFS, madaxda Garsoorka dalka iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay cilmi baaris laga sameeyay sida xoogan oo uu bulshada ugu faafayo isticmaalka Maandooriyaha iyo qatarta uu ku haayo mustaqbalka dhallinyarada.

Hey’adda horurimarinta Nabada iyo Dimuqraadiyada ee Hiil ayaa soo bandhigtay cilmi Baaris ay ka sameeyeen faafitaanka dhibaatada Maandooriyaha, gaar ahaan xarumaha Waxbarashada, xarumaha Caafimaadka, xarumaha Ganacsiga iyo goobaha ay bulshada isugu yimaadaan.

Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/sare Macalin Mahdi ayaa tilmaamay in ciidanka Amniga ay ka go’an tahay ciribtirka Maandooriyaha.Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaray sharciya adag oo lagu ciqaabaya dadka lagu soo qabto isticmaalka Maandooriyaha iyo ka ganacsigiisa.

About Author