Post View....

Taliska Ciidanka XDS ayaa la wareegay xeradii ay ka daganaayeen Ciidamada ATMIS

0
16

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED OO FULINAYA HESHIISKII LA WAREEGISTA AMNIGA GUUD EE DALKA AYAA LA WAREEGAY DEEGMADA MIRTAQWO EE GOBOLKA SHABEELLADA DHEXE OO AY HORE UGU SUGNAAYEEN CIIDAMO KATIRSAN ATMIS.

Taliska Ciidanka XDS ayaa la wareegay xeradii ay ka daganaayeen Ciidamada ATMIS degmada Mirtaqwo ee Gobolka Shabeelada Dhexe ayadoo halkaas ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socotay Ciidanka XDS iyo ATMIS.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wado dadaalo uu kula wareegayo amniga guud ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr.

15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.Ciidanka Danab ee XDs iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo la isugu furayo waddooyinka u dhexeeya degmada Afmadow iyo deeganka Janaa Cabdalle waxa ay ka sameeyeen deegano badan oo muhiim ah, kuwaasi oo ay Khawaarijtu gabbaad ka dhigan jireen.

Horjooge Nuur Cabdi Maxmuud cumar oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa hoggaanka Argagixisada Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay Ciidanka Xooga ee ku suga Degmada Awdheegle gobolka Shabellaha Hoose’.Ciidamada gaar ah ee Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo balaaran ka fuliyey deegaanada u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degamada Afmadow.

Howlgaladan qorshaysan ayay ciidamadu ka sameeyeen Deegaanada Harboole, Miido, iyo Biibi iyadoo khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh waxa uuna ahaa mid la isugu furayo deegaanada gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Janaay Cabdalle iyo Afmadow.

Ciidamada ayaa Inta ay howlgalkan ku jireen burburiyay jidgooyoyin iyo fariisimo khawaariijtu ay ku dhibaataynayeen dadka shacabka.

Ciidanka kumaandooska Gor Gor guutada 18 aad ee XDS ayaa Biyo dhaamin u sameeyay Shacabka ku dhaqan Degmada Galcad Kumaandooska ayaa Gacan kula dagaalamayo Qawaarijta Gacane ku daryeelayo Shacabkooda kuwa liita.

Ciidamada gaar ah ee Kumaandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalo balaaran ka fuliyey deegaanada u dhaxeeya Janaay Cabdalle iyo Degamada Afmadow.

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tobobaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaar ahaan ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab ayaa Xalay hawlgal Qorshaysan Ka Sameeyey Goob ay Gabaad ka dhiganayeen Horjoogayaal & Maleeshiyad ka tirsan Khawaarijta oo Ku taala Duleedka Tuulada Yaaqdabayl ee Gobolka Jubbada hoose.

Waxayna Ciidanku halkaas ku dileen 13 Dhagarqabe oo ka Tirsan Khawaarijta Al-Shabaab Waxayna Ka Soo Furteen 7 Qori oo AK-47, Hal Qori oo RBG Iyo hal Qori oo BKM ah Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada Guutada 16-aad Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyin kale oo gaaray Baraawe kadib Dagaalo halkaas ka dhacay.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada QS Col Liiban Cali Yarow ay Wehliyaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Darajada 1aad Col Hassan Cali Nuur Shute. Wasiirka Gashandhiga DF Wasiirka Cadaalada KGS iyo Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose ayaa Maanta Kulan la yeeshay Ciidankii ku Dagaalamey Magaalada Baraawe.

Dhamaan Ciidanka ayaa laga wareystay Sida ay wax u dheceen iyadoona Maxkamada Ciidamada ay Amar buuxa Ciidanka ku siisey in ay is walaashadaan kana shaqeeyaan Nabada Magaaladan.Baraawe dhawaan waxaa ka dhacay Dagaalo qaraar oo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Koonfur Galbeed iyo Kuwa Dowlada Federaalka.

About Author