Post View....

Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya oo galaafsaday caruur badan.

0
163

Tiro aan la cayimin oo caruur ah ayaa u geeriyooday nafaqo daro ka dhalatay Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya kadib markii ay waayeen cunno, Biyo & daryeel caafimaad sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo & howlwadeenno katirsan Hay’adaha Samafalka.

Carruurtaan ayay qoysaskooda geeyeen goobo loogu talagalay in lagu daweeyo Dadka xaaladahoodu aadka u daran balse is baddelka jireed & awood la’aanta ku dhacday ayaa sababtay in ay geeriyoodaan.

Goobaha Caafimaadka waxaa lagu daweynayaa tiro carruur ah oo la ildaran nafaqo darrada ka dhalatay Abaarka ka jirta Soomaaliya, Dhaqaatiirtu waxa ay sheegeen in ay dedaal xooggan gelinayaan sidii ay u dabiibi lahaayeen dhallaankaas.

Liibaan Rooble Xasan oo ka howlgalla Hay’ad ka howlgasha Gobolka Gedo ayaa sheegay in 4tii bil u dambeysay ay qaabileen xaalado adag, tirada ay qaabileen kumanaan Carruur ah oo nafaqo darro heysa oo qaarkood cuduro wehliyaan.

“Bukaannada aan qaabilnay oo labo qayb ah qaybta bukaan jiifka ah waxaa nafaqo darrada u wehliya cuduro kale, da’ ahaan waxa ay ka yar yihiin 5ta sano, Luuq keliya waxaa ku geeriyootay 3 ruux, balse guud ahaan afarta degmo ee aan ka howlgalno waxaa nafaqo darro ugu dhimatay 11 Carruur, Abaaraha waa kuwo waqti dheer jira, Barakaca wuu sii badanayaa, dabcan waxa ay u baahan yihiin in ay helaan Guri & wax ay naftooda ku maareeyaan, nafaqo darrada jirta waa mid ka dhalatay Baahi (Cunno la’aan)” Liibaan Rooble Xasan oo ka howlgalla Hay’ad ka howlgasha Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka, Hay’adaha Qaramada Midoobay & dhaqaatiirta Caafimaadka ayaa ka digay in nafaqo darro ka dhalata abaarta ka jirta Soomaaliya ay galaafato nolosha malaayiin ruux haddii aanay gurmad degdeg ah loo helin.

Sanduuqa taakulada Carruurta ee UNICEF ayaa sheegay in halis nafaqo darro ay wajahayaan ku dhawaad 2 Milyan oo Carruur ah, waxa uu dalbay in gargaar degdeg ah loo helo si loo badbaadiyo dhallaankaas.

 

About Author