Post View....

Yuusuf Garaad oo shaaciyey in laga helay Cudurka Covid-19 iyo Karaantiil uu ku gelayo dalka…

0
145

Ergeyga gaarka ah ee qaabilsan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaciyey in laga helay cudurka Covid-19.

Yuusuf Garaad oo ka mida ahaa wafdigii Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya, magaalada Hague ayaa maanta lagu waday inuu kasoo dhoofo Dalka Holland ayaa baaqday, kadib markii baaritaan uu sameeyay laga helay cudurka.

“Walaalaha, saaaxiibbada, ardaydeydeyda iyo qof kasta oo ay farriintani gaarto waxaan la socodsiinayaa in la iga helay Covid.Si aan saaka uga dhoofo Holland, oo aan shaqo Qaran u joogay, ayaan shalay is baaray.Waa la iga helay xanuunka, waana baaqday. Haba yaraatee, hadda ma jiraan wax astaan xanuunkaas ama mid kale ah oo aan dareemayo. Urta iyo dhedhenkana waa ii wanaagsan yihiin” ayuu yiri Danjire Yuusuf Garaad oo farriin soo diray goor dhoweyd.

About Author