Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si ba’an u duray siyaasiyiintii dabayaaqadii todobaadkii hore ku dhawaaqay golaha ay ku sheegeen “Madasha Badbaado Qaran.”
Wasiirka ayaa sheegay in haatan dalku diyaar u yahay in doorasho dhacdo, waxaanu ku tilmaamay isbahaysigaa mucaaradka ah “isbahaysi doorasho diid ah”.
Wuxuu intaa ku daray in shirkii uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, shaaciyey ka dhici doono xerada ciidamada cirka ee Afisiyoone. Arintaas oo ka mid ahayd shuruudihii ay madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay markii hore ba ku xidheen shirkii hore loogu ballansanaa ee qabsoomiy waayey.
Wasiir Dubbe, waxa uu sheegay in shirkaa uu Madaxweyne Farmaajo shaaciyey ka dhici doono goobtaas maalmaha Isniinta iyo Salaasada ah, shirkana uu horseed ka noqon doono ra’isal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale waxa uu carrabka ku dhuftay in gudiyadii farsamo ee Baydhabo iyo Muqdisho ku shiray ajendeyaashii ay ku heshiiyeen shirkaas lagaga hadli doono.