Post View....

XOG: Wasiir Hub & Maleeshiyo ku Uruursanaya duleedka Muqdisho & digniin laga soo saaray

0
125

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Xildhibaan C/fitaax Qaasim ayaa ku howlan taageerida iyo garabsiinta maleeshiyaad hubeysan oo shacabka ku dhibaateeya deegaanka Baqal-Xawaal iyo Jaziira.

Wasiirka waxaa qorshahaan ku wehliya Xildhibaan Cabdullaahi Colaad Rooble iyo siyaasiyiin kale waxa ay isticmaalayaan awoodda iyo magaca dowladda gaar ahaan wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Qorshahaan ayaa waxa ay ku helayaan dhaqaale fara badan iyo dhulal laga siinayo xeebta Jaziira oo ay xoog ku heystaan Maleeshiyaadkan hubeysan.

Maleeshiyaadkan ayaa falal amni daro ah ka geysta deegaanka Baqal-Xawaal iyo Jaziira, waxa ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka u dalxiis taga xeebta, kalluumeysatada iyo dadka deegaanka.

Waxa ay dhowr mar weerar ku soo qaadeen ciidanka booliiska ee kontoroolka ku leh wadada Jaziira, iyaga oo dilay askar badan kana qaatay qoryo oo ay ilaa hada ay heystaan.

Maleeshiyaadkan waxaa horjooge u ah Najiib Yuusufeey oo horay ay maxkamada ciidamada qalabka sidda ugu jartay Badweytims  waaranka ee soo qabashada, isaga iyo ciidankiisa ayaa dhowr mar waxay weerar ku soo qaadeen ciidanka booliiska.

Horjooge Najiib Yuusufeey iyo ciidankiisa ayaa dhaqaale badan ka sameeyay jaad sharci daro ah oo ay ka soo dajiyaan xeebta Jaziira.

Intaas oo dhibaato ah iyada oo jirta ayuu Wasiir C/fitaax Qaasim wuxuu ka door biday dhaqaale la siiyay iyo dhulal laga siiyay deegaanka Jaziira.

Dad fara badan ayay la yaab iyo amagaag ku noqotay markii ay arkeen Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Xildhibaan C/fitaax Qaasim oo booqanayo dhiira gelina u sameynayo maleeshiyaadkan hubeysan ee dhibaatada u geysta shacabka iyo ciidanka booliiska.

Maxaa la gudboon madaxda dowladda gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’isal Wasaaraha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka?.

 

About Author