Post View....

XOG: Farmaajo Oo Lagula Taliyey inuu Is Casilo & Jawaabtii Uu Bixiyey

0
104

Kadib Mowjado Siyaasadeed Oo Soomaaliya ka jiray In Muddo ah,Ma qaadan doonaa Madaxweyne Farmaajo baaqyada kala duwan ee ah inuu tanaasulo.

Hankiisa inuu ka laabto isku soo sharaxida mar kale Xukunka ma sahlana,oo si fudud laguma baajin karo hadana wadciga jira iyo waayaha Qofka wax waa iska badeli karaan.

Qaar ka mid ah Saaxiibadiisa Siyaasadeed ayaa usacbo tumaya Farmaajo in uu kusii dheganaado soo laabashada Doorasho la daah qarinayo oo isaga Codad lagu soo saari doono.

Beesha Caalamka ayaa si cad weli u dhihin Farmaajo Is casilin oo dadka unax hadana Dawladaha Deriska qaar ayaa isha ku haya Isbadelka Siyaasi Ee Soomaaliya ka dhici kara.

Kenya ayaa dooneysa inuu meesha ka baxo Farmaajo islamarkaana ay rabtaa in Khaat-kii uu ka joojiyey Sanad ka hor Soomaaliya mar kale loo fasaxo si malaayiin dollar ay ka macaashi jirtay uhesho.

Dad ubadan Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameed ayaa usoo jeediyey Farmaajo inuu dalka bad baadiyo uuna is casilo kana tanaasulo Xukun Jaceylkaan hadda laga dareemayo iyo Nidaamka Keligiis talis uu ku dhaqmayo.

Madaxweyne Farmaajo oo Bil ku darsaday Xukunka ayaa sheegay in uusan kursiga baneyn doonin ilaa doorasho marka la qabto looga adkaado.

Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah Maskaxda ka dambeysa in Farmaajo sii joogo Villa Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in Xukunka ay ka hor istaagaan Murashaxiinta Mucaaradka ah Ee Badankood Beelaha Hawiye kasoo jeeda.

 

About Author