Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) ayaa aad lo ohadal hayaa arinta kusaabsan heshiiska uu la galay Dawlada Federaalka.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in Ciidankii hore ka bar bar dagaalamyey qaarkood u jiheysteen Degmooyinkii ay ka yimaadeen.
Gaadiid Cabdi bileyaal ah,iyo saanado hub ah ayaa la tilmaamay inuu iibsaday Janan ka hor inta aysan ciidanka ka xumaan arinta ku aadan wada hadalka uu la furay Dawlada.
Gaari Jubbaland laheyd oo Cabdi Bile ah ayaa la xaqiijiyey in Mandhera uu Wasiir Janan ku iibiyey lacagta laga siiyana uu akoon ku shubtay.
Wariyeyaal Gedo jooga ayaa sheegay in Hadal heynta in Ciidankii Jubbaland magaceeda ujoogay Duleedka Beled xaawo ay bilaabeen inay dib ugu noqdaan Ceel waaq iyo Dhoobleey.
Akhbaaraad la ogaaday ayaa sheegaya in Dawlada Soomaaliya uballan qaaday Lacag iyo Xil lasiin doono hadii heshiiska sida la rabo udhaco.
Ilaa hadda ma heyno war kasoo baxay dhinaca Jubbaland oo ay kaga hadlayaan Qadiyada Janan iyo wada hadalka ufurmay isaga iyo Dawlada Federaalka.
Axmed Madoobe dad ka ag dhaw oo Muqdisho la joogo waxay diideen inay ka hadlaan xogta madaxweynaha iyo go’aanka ay qaadanayaan.
Saameyn ayaa ay ku yeelan doontaa xitaa Siciid Deni hadii Gedo gacanta laga wada bixiyo Jubbaland,maadaama Madoobe iyo Deni oo dhinaca siyaasada isku fikir ka yihiin.
Xiriir lala sameeyey Wasiir Janan ayaa diiday inuu ka jawaabo wicitaanka Taleefoonkiisa,si aan wax uga ogaano arintiisa.