Post View....

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika oo la kulmay madaxda Soomaalida.

0
160

Muqdisho: – Toddobaadkii iyo barkii la soo dhaafay, Muqdisho waxaa laga dareemay soo dhaweyn iyo isdhexgal aad u xoog badan oo dhex mara daneeyayaasha Siyaasadda Soomaaliya.

Tan iyo markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika, (SRCC) ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, wuxuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam ee Jubaland, Madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland, Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye oo reer Galmudug ah iyo wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha All Guudlawe ee Hirshabeelle.

Wadahadalladii lala yeeshay Hoggaamiyeyaasha Gobollada, oo sii socon doona, waxay ku saleysan yihiin danaha la wadaago ee ah in la arko caqabadaha weli taagan iyo dib u dhigista doorashooyinka waqtigooda ku saleysan Heshiiskii Doorashada ee Sebtember 17.

Danjire Madeira wuxuu muujiyay qanacsanaanta in hogaamiyayaashu ay diyaar u yihiin inay si qoto dheer u eegaan arimaha taagan isla markaana ay la galaan wadahadalo hufan oo wax ku ool ah si xal loogu helo is afgarad.

About Author