Kadib baaritaan ay sameysay Warbaahinta Badweyn ayaa ogaatay in Murashaxiinta Qaarkood ay karantiil galeen kadib markii xubin ka mid ah iyaga uu Cudurka Coronovirus ku dhacay.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Afhayeenkii Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle uu Covid 19 ku dhacay.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay kama uusan qeyb galin Geelle Kulamadii Midowga lahaayeen,iyadoo xaaladiisa ay wanaagsan tahay.
Wasiirkii hore Ee Warfaafinta marna soo noqday Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in uu dedaal ku bixinayo sidii uu iskula tacaali lahaa xanuunka haya.
Qaar ka mid ah Xubnaha Xisbiga Sahan uu Hogaamiyo ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan xanuunka haya Gudoomiyahooda Daahir Geelle.