Post View....

Tallaalka Karoona oo la gaarsiiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

0
121

Waxaa magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya la gaarsiiyay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Tallaalkan ayaa gaaraya 108,000 oo xabbo, waxaana saaka xarigga ka jaray tallaalka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar.

Waxaana tallaalkan la siina doonaa shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah, sida ay ku warrantay warbaahinta maamulka ee SRTV.

About Author