Post View....

Taliye Zakiya “Waxaa i soo gaaray Cabashooyin la xiriir rag wata Moto Bajaaj Dhaca Mobelada iyo..”

0
107

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir kusoo batay Kooxo hubeysan oo qaarkood wata Mooto Bajaaj, kuwaas oo xiliyada habeenkii Moobeelada ka dhacaya dadka Shacabka, waxaana falkaasi ka hadlay Booliska Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay soo gaartay cabashada la xiriirta Kooxaha Burcadd ah, hayeeshee Shacabka la doonayo inay la soo wadaagan Ciidamada.

“ Iyadoo malmihii la soo dhaafay isoo gaareen cabashooyin la xiriir xatooyo moobile iyo dhib kale loo geeystay dhalinyaro Soomaliyeed waxaan mar labaad bulshada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa dagan Gobolka Banadir soo xasuusinaayaa in numberka 991 wacdaan hada la kuluntaan dhib si ay saraakiisha howlgalada isla markii ay wax ka qabtaan. Wallow aan idinka mahad celinaaya inaad ila wadaagtaan cabashoiyinka ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Taliye Zakiya.

Sidoo kale waxaa ay eedeyn u jeedisay dad ay sheegtay inay Baraha Bulshada kusoo bandhigayaan cabasho ku aadan dhac loo geystay, isla markaana ay eedeeynayaan Saraakiisha Booliska, waxaana ay ku baaqday in qofkii arka qof burcad ah uu ciidamada la wadaago.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska kana sameeyeen degmada Yaaqshiid in lagu soo qabtay rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dadka Mobeelada ka dhacayay, kuwaas oo qaarkood qirtay falalka lagu soo eedeeyay.

About Author