Post View....

Tacsi: Professor Axmed Muumin Warfaa oo maanta Mogadishu Ku geeriyooday

0
170

Prof Warfaa

Prof Warfaa
Tacsi Tiiraanyo leh oo Muqdisho maanta Ku geeriyooday

انا لله وأنا اليه راجعون

Waxaa maanta 24 Maarso 2021 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Alla ha u naxariisto Prof. Axmed Muumin Warfaa. Prof Warfaa wuxuu ka mid ahaa macallimiinteenii Kulliyaddii Beeraha ee Jaamacaddii Ummadda. Wuxuu ahaa macallinka maadada cilmiga dhirta (Botany).

Professor Warfaa wuxuu wax weyn ka qabtay kana qoray dhirta guud ahaan gaar ahaan dhirta dhulka Soomaalida, wuxuu soo kordhiyay una magac bixiyay noocyo cusub oo dhir ah oo aan horey loo aqoon wuxuuna ka mid yahay dhir yaqaannada la aqoonsan yahay heer caalami.

Wuxuu waddanka si rasmi ah ugu soo laabtay 2020kii wuxuuna hadda ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Zam Zam oo ah Jaamacadda gaar loo leeyahay oo Muqdisho ku taal.

Waxaan Alle uga baryaynaa in uu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo qoyska, ehelada iyo dhammaanteen sabar iyo iimaan Alle ha naga siyo Allana gadaashiis nama fidneeyo.

waxaa Tacsidaan diraayo dhamaan ardaydii uu macalinka u ahaa dhamaantooda oo ka kala joogo aduunka dacaladiisa oo dhan.

Aamiin Aamiin

About Author