Post View....

Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo saxiixday heshiis ganacsiga lagu horumarinayo

0
135

Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixday hey’adda maalgashiga iyo ganacsiga ee IFC oo kamid ah Bankiga Adduunka, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee wasiir Beyle ayaa lagu sheegay in heshiiska uu quseeyo horumarinta ganacsiga dalka iyo in uu gacan ka geysto shaqo abuurka dadka Soomaaliyeed.

“Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka,” ayuu yiri wasiirka.

About Author