Post View....

SAWIRRO: Muxuu ku saabsan Heshiiska cusub ay gaareen Somalia iyo Talyaaniga?

0
117

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talyaaniga la saxiixatay heshiis Deyn cafin ah oo daba socda go’aankii wadamada Paris Club ee Soomaaliya looga cafiyay 1.4 Bilyan Sanadkii tagay 2020-kii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa heshiiskan la saxiixday safiirka Dowladda Talyaaniga u jogga Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi oo uu sheegay inuu si gaar kagala shaqeeya saxiixa maanta suurta galay.

Wuxuu u mahad celiyay safiirka Talyaaniga iyo guud ahaan Dowladda Talyaaniga sida hagar la’aanta ah ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

 

About Author