Post View....

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

0
131

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dr Aadan Xasan Aadan oo shir jaraa’id  ku qabtay xaruunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kulan uu la qaatay safiirka cusub ee Jaamacadda Carabta ay u soo magacaawday  Soomaaliya Danjire Saalax Al Juneed.

Kulanka ayaa ahaa booqasho iyo wadashaqeyn dhex marta labada mas’uul iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Jaamacadda Carabta ay ku leedahay Soomaaliya.

Safiirka Jamhuuriyada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta looga baahanyahay xiligaan in kaalin firfircoon ay ka qaadato dhismaha dowladda Soomaaliya.

Dowladda aan walalaha nahay ee Jabuuti ayaa kaalin weyn ka qaadata daganaanshaha iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo la dagaallanka Argagixsada ee Al-Shabaab.

About Author