Post View....

RW Itoobiya Abiy Axmed oo ogolaaday in Ciidamada Eritrea laga saaro gobolka Tigrey.

0
220

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Axmed Abiy ayaa Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki kala hadlay sidii ciidankeeda ay uga bixi laheyd xadka gobolka Tigreyda uu la wadaago dalkaasi oo dhawaan ay qabsadeen ciidanka Eritrea.

Abiy Axmed oo shalay gaaray Magaalada Asmara ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka garaabay sidoo kale dhibaatooyin ay geystay ciidanka Eritrea intii ay joogeen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

“Wadahadalladeenii 26-kii Maarso 2021 ee aan la yeelanay madaxweyne Isaias Afwerki intii aan booqashada ku joogay Asmara, dowladda Ereteriya waxay oggolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo xadka Itoobiya. Ciidanka Difaaca Qaranka ee Itoobiya ayaa si dhaqso leh ula wareegi doona ilaalinta aagga xuduudaha”ayuu yiri Abiy Axmed

Waxaa uu intaasi kusii daray “Itoobiya iyo Ereteriya waxay sii wadi doonaan xoojinta xiriirkooda laba geesoodka iyo himilooyinkooda iskaashiga dhaqaale. Waxaan sii wadi doonnaa dhisida ruuxda kalsoonida iyo deris wanaaga labadeena dal sida loo bilaabay 2018. Gaar ahaan, soo celinta dadka ku saleysan kalsoonida xiriirka dadka ka dhexeeya muwaadiniinteena ku nool gobolka Tigray iyo walaalaha Ereteriya ee xadka ka socda waa lama huraan”

About Author