Post View....

Muwaadin Soomaaliyeed oo Xanuun Dartiis ugu dhintay Cusbitaal ku yaal Dalka K/Afrika.

0
97

Waa uu soo kacay, si uu shaqada Dukaanka qeybtii uu ka lahaa ee maalinlaha ah u galo, sidii caadada u aheydna Musqusha ayuu galay si uu usoo Waysa~qaato maadaama Salaadda Duhur ay soo dhaweyd, cabbaar ayaa la sugay ilaa ay Wiilasha ay isla shaqeeyaan iswaydiiyaan way shakiyeen waxayna ku garaaceen Musqusha, markii ay wax Shanqartiisa ah waayeenna albaabka ayey ku jabiyeena waxayna arkeen isagoo Miyir-daboolmay oo fadhiga ka dhacay, isbitaal ayaana loola cararay si deg deg ah, halkaasoo uu ku ruux baxay.


Qofka aan ka hadlayo waa Maxamed Cosobow Xuseen oo ALLAHA u Naxariistee maanta ku Geeriyooday isbitaal ku yaalla Xaafadda Jogislaafa oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Marxuum Maxamed oo da’diisa lagu qiyaasay 33 Sano jir, muddo 2 Sano ahna ku noolaa South Africa, ayaa sida ay Dhakhaatiirtu leeyihiin waxa uu u dhintay Wadno Xanuun, waxaa sidaasi ii xaqiijiyey Shiine Sh Xuseen.

EEBBE Naxariistii Janno Haka Waraabiyo aan u Ducayno wax kale uma awoodnee.

Abdulrazak IndhaJaceyl

About Author