Post View....

Muuse Biixi oo maanta si rasmi ah u daah furay ololaha talaalka Covid-19 ee Somaliland.

0
158

Madaxweynaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha tallaalka xanuunka Covid-19 oo deegaanada maamulkaasi maanta ka bilaawday, waxana Muuse Biixi si rasmi ah u qaatay talaalka xanuunka Coronavirus.

Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, waxa  madaxweynaha kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-ee Somaliland, xubnaha guddida doorashooyinka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaasha guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay talaalka xanuunka covid-19.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, wasiirka horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi, guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa dhankooda qaatay talaalka Coronavirus.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaciyey  in ay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna  saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka safka hore, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay,

wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba.” “Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayona dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,” ayuu hadalkiisa raaciyay

Xubnaha guddiga doorashooyinka, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen, wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi (Bede), Qorshaynta qaranka iyo horumarinta, Xasan Maxamed Cali ayaa iyaguna qaatay tallaalka xanuunka COVID-19.

 

About Author