Post View....

Meydkii madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta la keenaayo Muqdisho iyo qaban qaabo xoogan oo…

0
124

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Muqdisho laga soo dejiyo Meydka Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cali Mahdi Maxmed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Guddiga u xil saaray aaska Allaha u naxariitee, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa sheegay in maanta  la keeni doono meydka madaxweynaha laguna aasi doono magalaada Muqdisho.

Mudane,Cumar Maxamed Maxamuud, guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddigaas kamid ah ayaa sheegay in shaqada guddiga ay tahay diyaarinta hab-maamuuska dowliga ah ee  aaska qaran ee loo sameynayo madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday xalay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo da’diisu tahay 83 sano jir.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi ka kooban 11 xubnood oo ay kamid yihiin; wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir u xil saaray qaban qaabada aaska Allah u naxariitee, Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale, madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliy ayaa ku dhawaaqay in sadex maalin oo baroor-diiq ah loo sameyn doono isla markaana calanka jamhuuriyadda hoos loo dhigi doono, si loo maamuso madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo ahaa madaxweynihii affaraad ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

About Author