
Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa sheegay in askar Eritrea u dhalatay ay dad rayid ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol qof ku laayeen magaalada Aksum ee gobolka Tigray dhammaadkii November.
Baaritaanka uu guddiga sameeyay ayaa salka ku hayay warar sheegaya in dhammaadkii November ay magaaladaasi qadiimiga ah ka dhaceen falal noqon kara dembiyo dagaal.
After repeated attempts, @EthioHRC deployed a mission to Aksum, in #Ethiopia‘s #Tigray, b/n Feb 27-March 5.
The preliminary probe finds that grave human rights abuses have been committed & over 100 civilians were killed by Eritrean soldiers on Nov 28-29. https://t.co/2PHd7JcwMq
— Ethiopian Human Rights Commission (@EthioHRC) March 23, 2021
https://platform.twitter.com/widgets.js
Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen shacabka magaalada iyo dad meel kale uga yimid inay ka qeybgalaan xus diimeedka Aksum Tsion.
Qof goob-joog ahaa ayaa guddiga u sheegay in ciidamada Eritrea ay guri ka wateen oday 70 jir ahaa iyo laba wiil oo uu dhalay, “kadibna ay ku toogteen barkad biyo oo gurigooda u dhaweyd.”
“Maadaama tacaddiyadan ay u dhigmaan dembiyo ka dhan ah aadanaha ama kuwo dagaal, waxaa muhiim ah in baaritaan wax ku ool ah lagu sameeyo xaaladda bani’aadannimo ee gobolka Tigray,” ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga.
Eritrea ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay. Balse markii warbixin tan la mid ah ay dhammaadkii February shaacisay hay’adda Amnesty International, xukuumadda Asmara ayaa ku tilmaantay mid “la buunbuuniyay”.
Qaar kamid ah dadka u warramay guddiga xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in tirada dadka lagu laayay Aksum ay gaari karto illaa 800 oo qof.
Warbixinta guddiga ayaa ku soo beegmaysa maalin uun kadib markii ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu qiray in ciidamada Eritrea ay soo galeen gobolka Tigray kadib dagaalkii bilowday November.
Faysal Rooble oo ka faallooda arimaha Itoobiya ayaa rumaysan in warbixintan cusub ay kala shaki ka dhex abuuri karto xukuumadaha Addis Ababa iyo Asmara.
“Laba beri ka hor inta aanu Abiy ka hadlin arintan, waxaa khudbad dheer jeediyay Isaias Afwerki taasoo laga dhadhansanayay in xurgufi ay labada dhinac dhexmartay. Safiirka Eritrea u fadhiya London ayaa diidmo ka muujiyay hadalka Abiy. Marka durba waxay u egtahay far-isku-fiiq iyo eedeyn, haddii ay arintaas sii xoogeysatana waxaa dhacaysa in labada dhinac ay isku dhacaan,” ayuu yiri Faysal.
Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.
