Post View....

Maxaadan Ogeyn Oo Maanta Ka Dhacay Guriga Ra’iisal Wasaaraha?

0
123

Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guriga uu deggan yahay Ra’iisal Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Wasiirka Caafimaadka oo uu wehlinayo Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddi Ganacsatada Soomaaliyeed ka socday.

Shirkaas ayaa diirada lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa Xakameynta Cudurka Covid 19 oo sii faafaya meelo badan oo Dalka ah.

Dhinacyada Shirka yeeshay ayaa isku raacay in laga wada qeyb qaato xoog iyo xoolo iyadoo lagu bixinayo Cudurkaasi sidii Dadkeena looga samata bixin lahaa.

Xukuumada Xil gaarsiinta ayaa dalabyo dhaqaale weydiisaneysa Soomaalida kuwooda ladan iyo Hay’adaha Qaramada Midoobeey si Dadka Soomaaliyeed Ee Colaada iyo Cudurka iskugu soo darsameen loo bad baadiyo.

 

About Author