Post View....

Maxaad u baahantahay in aad ka ogaato Gedo & Janan! dhamaan waxaad ku ogaataa 300 oo eray!

0
149

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xilka Ka qaaday wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid  Xasan Abdinuur kaddib heshiis Dhexmaray Janan & madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warqad tixraaceedu yahay:Xm/Dgjs/226/2021 oo ka soo baxday madaxtooyada Jubbaland ayaa shaqada looga eryay wasiir Janan inkastoo aan bayaanka lagu caday sababta xilka looga xayuubiyay Cabdirashiid Janan.

Maxaa maanta ka socda Gobolka Gedo?

Cabdirashiid Janan ayaa saakay ku wahan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, waxaana halkaa ugu imaan doona Aggaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo taliyaha ciidanka lugta  Generaal Biixi iyo wasiiradda Amiga iyo Difaaca Xukumadda xilgaarsiinta.

Janan muxuu wataa?

Cabdirashiid Janan ayaa wata 7 gaari oo gaadiidka dagaalka ah iyo ciidamo iskugu jira kuwa daraawiishta Jubbaland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo daacad u ah wasiirkii amaanka Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Saraakiisha NISA oo wakiil ka ah Villa Soomaaliya iyo Janan maxay kuwa hadleen?

Sida ay Badweytims l ka soo xigatay ilo xilkas ah saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo Villa Somalia ayaa wada hadalka la furay Wasiir Janan waxaana hormaris loo siiyay isla markaana wada hadalka lagu furay lacag dhan  1.5 Milyan(Hal milyan iyo Bar).

Janan iyo Muqdisho!

Sida la qorsheeyay saraakiisha ciidanka ee maanta tagaya Beled-xaawo ayaa la wareegaya gaadiidka iyo ciidanka uu wato Wasiir Janan waxaana loo qaadayaa magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Maxay isku qabteen Janan iyo Axmed Madoobe?.

Sida ay ogaatay Badweytims  Wadahadal Taleefoonka ku dhexmaray  Cabdirashiid Janan & Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Madoobe oo kusaabsanaa heshiiska Janan la gelayo Villa Somalia ayaa ku dhammaaday Natiijo la’aan, Janan ayaa u sheegay Axmed Madoobe in wixii hub iyo ciidan ah oo ay leedahay Jubbaland uu ka tegeyo ayna tegeyaan Dhoobley! sidaas oo kale Janan ayaa u sheegay Axmed Madoobe in uusan sii wedi karin dagaalka iyo hardanka kala dhexeeya Dowladda sidaas awgeedna uu qaadayo wada-xaajood ujeedadiisu tahay in uu ku biiro maamulka taageersan madaxweyne Farmaajo ee kadhisan gobolka Gedo!

Maxaa Muuqda?

Heshiiska Villa Soomaaliya iyo Cabdirashiid Janan waxa uu qayb ka yahay  hardanka u dhexeeya madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday iyo DG Jubbaland kaas oo kamid ah caqbaadaha waawyen oo hortaagan doorashada Soomaaliya.

Villa Somalia dan miyay ka dhex aragtaa heshiiska?

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ee mudo xileedku dhamaaday ayaa rumaysan in xaaladda gobolka Gedo oo mudo ka badan sanad ka ay taagneed xiisad iyo khilaaf bulsho iyo dagaalo ay degi karto isla markaana wadama taageera Soomaaliya ay ku qanci karo in ay dhamaysay xiisadii ka taagneed gobolka Gedo.

 

About Author