Madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa laga dhowrayaa in ay ka qeyb galaan shir maanta magaalada Muqdisho uga furmaya madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmmed Maxamed Islaam ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay u tageen kulanka wadatashiga qaran ee looga hadli doono arrimaha doorashada.
Hase yeeshee waxaa jiray caqabado hor taagnaa shirka oo marar horena kulamo la isugu yimid ay u fashilmeen.
Beesha Caalamka – oo ay ugu horreyso dowladda Mareykanka – ayaa dhinacyada cadaadis ku saareysa in ay is hor fariistaan, heshiisna ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya ee ku saabsan hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay oo Axad ahayd BBC-da u sheegay “in uusan ka warqabin shir dhacaya”, xilli dhinaca kalena la ogaa in shirka uu maanta ku beegan yahay.
“Shirka berri furmayo ilaa hadda wax rasmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay AMISOM tiri anagaa amnigeeda sugeeyna, oo ay Beesha Caalamka nagu casuuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Maa’ida.”

XIGASHADA SAWIRKA,PSH
Maalintii Jimacada ahaydna madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu Muqdisho ku sugan yahay in ka badan 10 maalmood walina wax xiriir ah aysan lasoo sameynin madaxda federaalka.
Marar kala duwan oo waqti loo qabtay shirkan ayuu baaqday, inkastoo xilliyadaas aysan Deni iyo Axmed Madoobe ku sugneyn Muqdisho.
Maxaa dhici kara haddii madaxda Puntland iyo Jubaland ay ka baaqdaan shirka?
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa goobta uu shirka ka dhacayo kulan hordhac ah ku lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxaa kulankaas ka maqnaa Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, lamana oga in ay goobta tagi doonaan iyo in kale.

XIGASHADA SAWIRKA,TQS
Arrimaha dhici kara haddii madaxda qaar ay shirka ku gacan seyraan waxaa ka mid ah dhib u dhac hor leh, sida uu BBC-da u sheegay Jibriil Cali Aw Maxamed oo wax ka dhiga Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, sidoo kalena falanqeeya siyaasadda.
“Maadaama ay madaxda Puntland iyo Jubaland dhagaha ka fureysteen baaqii madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka ayaa hadda u heellan inay shirka soo fariisiso, heshiisna lagu gaaro in la hirgeliyo doorashadii lagu heshiiyay bishii September, 2020.
“Runtii haddii ay Deni iyo Axmed Madoobe ka baaqdaan shirkan waxaa dhici kara in ay doorashadii sii jiitanto, murankanina uu sii daba dheeraado,” ayuu yidhi Jubriil.
‘Siyaasiyiin ayaa murmaya, oo aah hub isu wadanin’
Jibriil ayaa sheegay in khilaafka doorashada uu ugu dambeyn kusoo biyo shuban karo is afgarad dhinac walba ah.
“Waxaan rabaa inaan Umadda Soomaaliyeed u sheego dalkan Soomaaliya waxa hadda wada hadlaya waa siyaasiyiin dano ka wada murmaya, oo aan xabbad iyo hub isu wadanin, arrintaasna waa guul, shacabka Soomaaliyeedna ma dirirsana. Dowladana nagu xeeran markaad eegto, dhammaantood dhibaatadaas ayey wada qabaan, Itoobiya waad ogtahay in aysan doorashadii ka dhici, dalka Kenya isagana doorashadii ugu dambeysay intay maxkamaddu burburisay ayaa mar kale lagu celiyay.
“Marka waxan waa muran caalamka oo dhan ka jira, gaar ahaan waa dhibaato ka jirta mandaqadda aan caalamka uga naallo ee geeska Afrika.”
Yaa sugaya Amniga shirka?
Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay ammaanka goobta uu shirk ka dhacayo.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani ayaa sheegay in dowladda ay meesha keentay ciidamo badan taasi oo uu shaki ka muujiyay.
Madaxwaynaha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubland ayaa tan iyo intii ay Muqdisho yimaadeen waxay ku sugnaayeen oo ay daganaayeen xerada Xalane.
Waxaa labada madaxwayne Dani iyo madaxwayne Axmed Madoobe labadaba la socday ciidamada gaarka ah ee ammaankooda ilaaliya.

XIGASHADA SAWIRKA,PSH
Ammaanka xarunta lagu wado in uu shirk ka dhaco maanta ayaa waxaa imika damaanad qaaday ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.
Wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qabailsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in amniga shirka ay damaanad qaadayaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.
Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa damaanad qaadaya ammaanka xilliga u shirka socdo iyo ka dib-ba, ayuu bayaankiisa ku yiri Mr Madeira
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu soo warramay in iyaguna ay dhankooda shirar gooni gooni ah leeyihiin, halka diblomaasiyiinta beesha caalamkuna ay dadaal ugu jiraan inay ku qanciyaan sidii ay shirka u xaadiri lahaayeen.
Shirka ayaa haddii ay dhammaan dhinacyadi isugu imaadaan socon doona labo maalmood, saacadaha horena waxaa lagu bixin doonaa sidii loo dhisi lahaa kalsoonida madaxda iska soo horjeeda, sida uu kusoo warramay wariyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho.
Barito oo Talaado ah, 23, March,2020, ayuu soo gabagaboobi doonaa kulanka, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim u ah hannaanka doorashada Soomaaliya.
Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.