Post View....

Mas’uul Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Lala Eegtay Qarax Khasaaro Geystay

0
109

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka hotelka Guuleed ee degmadaas, kaasi oo jugtiisa la maqlay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino dhulka la geliyay oo lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqanta oo la socday Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa ka badbaaday qaraxaas lala beegsaday gaarigiisa, xili uu marayay Hotelka Guuleed, hayeeshee waxaa dhacay ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay saddex Askari oo la socday Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Yaaqshiid ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Intaas kadib ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xiray wadada, kadibna sameeyay baaritaano kooban, wallow markii dambe ay wadada fureen oo halkaas isaga tageen, lagana qaaday gaariga la qarxiyay.

Qaraxaas dhaxcay ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo barqanimadii Maanta qaraxa miino degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir lagula eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waday wacyi-gelinta Cudurka halista ah ee COVID-19.

 

About Author