Post View....

Mareykanka: “Hubanti la’aanta doorashada Soomaaliya waxay caqabad ku tahay amniga”

0
133

Mareykanka ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antoney Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya in loo baahan yahay si deg deg ah ay doorashada ku qabtaan si looga gudbo khilaafka arrimaha doorashada.

“Jahwareerka sii socda wuxuu cabaqad ku noqonayaa amniga iyo xasiloonida”. ayuu yiri Blinken oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka.

Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay shir looga hadlayo dhameystirka heshiiska arrimaha doorashada.

About Author