Post View....

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka degey garoonka diyaaradaha Muqdisho

0
86

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde magaalada Muqdisho.

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha iyadoo soo dhoweyntiisu ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dadweyne faro badan.

Madaxweyne Deni ee Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya Muqdisho,waxaana hore u sii joogay caasimada Madaxweynaha Jubbaland.

Hase yeeshee waxaa weli ka maqan dalka Madaxweyneyaasha kale ee dowlad Goboleedyada Galmudug,iyo Koonfur Galbeed balse Madaxweynaha Hirshabelle ayaa hore u joogay caasimada dalka ee Muqdisho.

 

About Author