Post View....

Madaxda DFS iyo mucaaradka oo wadajir uga qeyb-galay Salaadda Janaasada marxuum Cali Mahdi.

0
109

Allaha u naxariistee waxaa barqanimadii maanta garoonka diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay Meydka marxuum madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Diyaarad gaar ah oo ka soo qaadday magalada Nairobi ayaa keentay magaalada Muqdisho,waxaana Salaadda Janaasada lagula dukaday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Salaadda Janaasada waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday Maxamed C/llaahi Farmaajo,Guddoomiyaha gobola Shacabka,gudoomiyaha Aqalka sare Cabshi Xaashi C/llaahi,madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii ka sii horeeyay ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,xildhibaano,wasiiro,Qoyska marxuumka iyo xiyaasiyiin kale.

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,kadib xanuun maalma kooban haayay sida ay sheegeen qoyskiisa.

About Author