Post View....

Lammaanaha haysta diimaha kala duwan oo caqabado adag wajahaya

0
142

Sharci cusub oo muran badan dhaliyay oo ka dhan ah diinta islaamka, kaas oo dambi ka dhigaya is guursiga lamaanayaasha Hinduuga iyo Muslimiinta, ayay hadda cadaadis hor leh ku noqday dowladda Hindiya.

Caa’isha iyo saaxiibkeed Santosh oo labadoodaba magacyadoodii la beddelay ayaa baxsad ah. “Waalidkey waxay u yimaadeen oo ay raadiyaan aniga,” ayay tiri. Waan cabsaneynaa, waxaa na laga codsaday in aan gudaha kusii nagaano.

Lamaanahan, oo labaduba ah 29 sano jirro, ayaa ka qaxay magaaladii ay ku dhasheen oo ku taal gobolka galbeed ee Gujarat.

Waqtigaan la joogo, waxay ku nool yihiin guri ammaan ah oo ah dhisme laba dabaq oo aan magac lahayn oo ku yaala Delhi. Sidoo kale waxaa halkaas kula dhuumanayo lamaane kale oo ka yimid gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya.

Bishii Ovember 2020-kii, Uttar Pradesh waxay noqotay maamulkii ugu horreyay ee meel mariyay sharciga Mamnuucaya qaadashada diin kale oo ay ku tilmaameen ‘Sharci-darro’.

Waxay jawaab u ahayd waxa xagjiriinta Hinduuga ay ugu yeeraan “Jihaad jacayl”, oo ah erey Islaam naceyb ah oo tilmaamaya aragti shirqool oo aan sal iyo raad lahayn oo lagu eedeynayo ragga muslimiinta ee doonaya in ay haweenka Hinduuga ku beeraan jacayl, iyaga “ulajeedadoodu tahay in ay diinta Islaamka qaataan.”

Santosh iyo Ayesha

Guurka dhexmara dadka haysta diimaha kala geddisan ee Hindiya ayaa ka diiwaan gashan Xeerka Guurka Gaarka ah, kaas oo amraya in la bixiyo muddo 30 maalmood oo ogeysiis ah. Laakiin lamaanayaasha waxay ku nool yihiin cabsi waqtigan hadda oo leh sharci cusub oo bartilmaameedsanaya guurka noocaas ah.

Caqabad kale ayey ku tahay Caa’isha iyo Santosh oo lahaa xiriir muddo 13-sano ah.

Waxay ku kulmeen kuliyad ku taal Gujarat, sannadkii 2009-kii. Wuxuu baranayey luuqadda Gujarati, iyaduna waxay ahayd arday barata dhaqaalaha.

.

Caa’isha aabaheed wuxuu lahaa meherad yar waxayna ahayd macallin iskuul. Santosh aabihiis wuxuu ka shaqeeya jaamacad, wuxuu sidoo kale ahaa sawir qaade madaxbanaan.

Caa’isha, waa gabadh Muslim ah, halka Santosh na yahay Dalit, oo ah beel salka ku haysa kala sarreynta qoomiyadaha Hinduuga.

Waxay labaduba xasuusteen sannadkii 2002-dii, markii in ka badan 1,000 qof oo u badan Muslimiin ay ku dhinteen rabshado, ka dib markii uu dab qabsaday tareen ay ku dhinteen 60 xujey Hindu ah.

Dadka muslimiinta ayaa lagu eedeeyay in ay iyagu bilaabeen dabka. Waxay ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xumaa ee la xiriira rabshadaha dhanka diimaha.

Caa’isha iyo Santosh, oo ku koray dhibaatooyinkii dhacdadaas ka dhashay, ayaa sheegay in ay ka warqabaan cawaaqib xumada ka dhalan karta jacaylkooda.

“Gujarat, in ay degganaadaan lamaane kala diin ah waa arrin dhib wayn keeni karta,” ayuu yiri Santosh. “Ma kulmi kartid, ma hadli kartid, waxba ma qaban kartid.”

Balse iyagu ma niyad jabin. Santosh wuxuu u sheegay Caa’isha intii xiriirkoodu cusbaa inuu ku dadaali doono illaa dhamaadka noloshooda.

.

Ka dib markii ay ka qalin jebiyeen kuleejka, sannadkii 2012-kii, si dhif ah ayey u kulmi jireen – marka ay kulmayaan waxay la imaan jireen qorshe taxaddar leh. Waxayna ku kulmi jireen goobaha bulshada iskugu yimaadan si aaanan looga shakin.

Santosh waalidkiis markay ogaadeen xiriirka, waxay go’aansadeen in ay u guuriyaan oo ay xitaa ku qasbaan inuu u tago gabar kale, bishii November ee la soo dhaafay.

“Waan murugsnaa maalmo dhan. Ma aanan la hadli karin Caa’isha maadaama qoyskeeda ay sidoo kale ogaadeen xiriirkkeena,” ayuu yiri.

Caa’isha aabaheed iyo walaalkeed waxay ku cadaadinayeen in ay nin kale u guuriyaan.

Sidaa darteed Santosh iyo Caa’isha waxay isku dayeen in ay ku aqal galaan Gujarat – waxay codsadeen in ay la diiwaan geliyo meherkooda, sida uu qabo sharciga guurka, Laakiin mid ka mid ah shaqaalaha ka howlgala xaruntaas oo arkay magaca Caa’isha ayaa ku wargaliyay aabaheed.

.

Santosh wuxuu qareen siiyay 25,000 rupees ($ 340; £ 250) si guurkooda loo diiwaan galiyo, laakiin qareenka wuu ka noqday.

22-kii bishii Janaayo, waxay yimaadeen magaalada Delhi iyagoo ugu dambeyn ku raja weyn in ay is guursadaan.

Waxay sheegeen in duullimdka Delhii uu ahaa kulankoodii ugu horreeyay oo ay saacado wada joogaan, tan iyo intii uu soo jiray xiriirkooda, muddo 13 sano ah.

Markii ay yimaadeen waxay raadiyeen xaafiisyada Dhanak oo ah koox maamusha guryaha badqaba ee dadka lagu qariyo. Waxay ogeeysiiyeen waalidiintooda iyo xarumaha booliska inay ku sugan yihiin Delhi. Waxay guryahaas u wareegeen 29-kii Janaayo.

Xarumaha Dhanak waxay qaabilsan yihiin guryaha ay degaan lammaanaha diimaha kala duwan haysta. Aasaasaha oo lagu magacaabo, Aqif Iqbal ayaa sheegay in ay helaan wicitaano kaga yimaada lammaanaha haysta diimaha kala duwan ee doonaya inay is guursadaan, tan iyo intii la meel mariyay sharciga muranka badan dhaliyay ee Uttar Pradesh.

Inta badan lammaanaha waxay waayaan shaqooyinkooda inta ay is qarinayaan. Ka diba waxay la kulmaan dhibaatooyin badan oo cabsi iyo wal wal badan leh, laakinse waxay sheegaan in kalsoonida ay isku qabaan ay keenayso in ay horay u socdaan.

About Author