Post View....

Kiiska ICJ: Sida ay ku billaabatay dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

0
142

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa 15-ka bishan March billaabeysa dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya, hase ahaatee dad badan waxba kama xasuustaan sida ay sheekada furitaanka dacwadda ku billaabatay markii ugu horreysay.

Bishii July ee sanadkii 2015-kii ayey dowladda Soomaaliya si rasmi ah maxkamadda ICJ ugu gudbisay dacwadda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Xilligaas ka hor waxaa marxalado badan laga soo maray sidii kiiska loo geyn lahaa maxkamadda.

Haddaba Sidey ku billaabatay?

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa BBC-da uga warrantay sida ay ku timid fikradda gudbinta dacwada, oo ahayd mid ka billaabatay iyada oo fadhisa Makhaayad ku taalla dalka Mareykanka.

“Anigoo New York jooga 2013-kii ayaa waxaa isoo booqatay Muna Sharmaani, hoteelki aan joognay ayey iigu timid, dhinaca makhaayadda ayaan u baxnay si aan shaah u cabno. Waxaan weydiiyay meesha ay ka shaqeyso, kaddib waxay igu tiri, ‘waxaan ka shaqeeyaa xafiiska badda ee Qaramada Midoobay’. Waxaan ku idhi ‘Muna bal ii ga warran badda Soomaalia’.”

Faahfaahinta halkan ka akhri

About Author