Xogo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in xilligan ay golaha midowga Musharraxiinta bilaabeen iney u kala dhuuntaan Villa Somalia.
Sidaad la socotaan waxaa bilowday iney kala qeybsamaan golaha midowga Musharraxiinta, shaqs walbana wuxuu garowsaday inuu dantiisa ka shaqeeyo, kadib markii qaar ka mid ah golahan ay dagaal ku baaqeen.
Musharrax walba ayaa ka cararaya in dhibka dhaca uu mas’uul ka noqdo, islamarkaana berri ay noqoto waxa ay Soomaalida usoo raacato.
Saddex musharrax oo aan magacyadooda hadda sii qarinnay ayaa naloo xaqiijiyey iney Farmaajo la kulmeen, iyaga oo arrimo badan kala hadlay.
Waxa ay u muuqataa in musharraxiinta qaar ay meesha kaligood kusoo hari doonaan, walibana ay la kulmi karaan sharaf dhac.