Waxaan Galabta gurigeeyga uga soo tagay in aan Berri ka qeyb galo Banaanbax Nabadeed oo la filayay in uu berri dhaco.
Intii aan u soo socday Daljirka ayaan dareemay in ey adagtahay in Berri Banaanbax dhaco, Sababta oo ah ka sokoow Gaadiidka kala wareeg la leeyahay, waxaa wadooyinka Bartamahooda lagu gooyay Birro iyo Dhagxaan ,qof qof ma ogi, laakiin Dad badan oo isla socdo ma mari kaarin.
Asgari ayaan weeydiiyay Xageey Dadku marayaan Berri, wadadiiba waad gooyseene?. iima jawaabin.
waxaan soo gaaray Daljirka si aan u calaameysto halkii aan Berri istaagi lahaa. waxaan ku arakay Goobta Dad ku diyaarinayo Cabitaan u badan Qare oo ey ugu talagaleen in ey ka ganacsadaan Beeri oo ah maalin kulul oo ah Bisha Marso.
kadib waxaan fiiriyay Ciidamada joogo Daljirka waxaana ii muuqday in eyna u ekeeyn kuwo wax ilaalinayo. Asgari kale ayaan ku iri: War berri ma Annagaad na ilaalineysiin mise waxbaad naga ilaalineysiin, Halkaan waxaan u imid in aan cabiro Arragtideyda Sharcigu i siinayo, Anniga oo aan Labada kooxoodba ka tirsaneyn, Asgargaai kale oo Wajigu u daboolnaa ilama hadal.
Maqrib ayaa la gaaray, waxaan soo aaday Masjid u dhaw Daljirka, intii aan sii socday ayaan maqlay in Banaanbixii mar hore la baajiyay.
Asgari kale ayaan ku iri: War Aniga iyo Adigaba Jac ayaa nagu dhacday ee yaa naga xoqaa?, waxa uu yiri: waa runtaa . ( F.S: 1-4aad).
waxaan soo aaday Xamar weyne, Aniga iyo Saaxiibkeey oo Salaadii Ceshaha ka soo baxnay ayaan maqalnay Qarax aan sidaa u sii fogeeyn, waxaan Saaxiibkey ku iri: Bax Gurigaaga aad, Aniga xaafadeyda wadadii loo Mari lahaa ayaa Qaraxu ka dhacaye.
Baaqashada Banaanbaxa waxaan ka fahmay in ey dhamaatay qeybtii Banaanbaxa shacabka, Banaanbaxa Dambena in uu noqon doono kii Saado Cali Wardame AUN ey noo sheegtay oo Baroon uu ka qeyb gali doono, Banaanbax Nabadeed Baabkiisiina soo xirmay.
Hurdo Caafimaad.
Jacdii Anigoon iska xogin ayaan isku diyaariyay Jiif.
Sharci iyo Dastuurna Abaaydood Alla ha ku xiriiriyo.
Qore:Yahya Amir