Post View....

Heyadda NASA oo soo saartay dayax gacmeedkii ugu weynaa caalamka (Sawirro)

0
137

Wakaalada hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA ayaa si buuxda ugu guuleysatay tijaabada matoorka dayax gacmeed dunida ugu awoodda badan oo la sameeyey

Matoorka ayaa daarnaa ama shidnaa muddo 8 daqiiqo ah taasoo u dhiganta qiyaasta dayax gacmeedka uu ku tagi karo masaafada u dhaxeyso dhulka iyo hawada sare.

Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo la sameeyey tani iyo bishi Jannaayo markii la joojiyey tijaaba tan la mid ahayd oo la hakiyey.

Kooxda dayax gacmeedka sameysay ee NASA ka socotay iyo shirkadda Boeing oo sameynta dayax gacmeedka qandaraaska lagu siiyey si ay macluumaadki matoorka ay uga baahnaayeen ay u helaan wuxuu matoorka u daarnaa oo keli ah 4 daqiiqo.

NASA ayaa qorsheyneysa dusha sare ee dayaxa iney bani aadam u dirto, isku daygaasi oo noqonayaa kii ugu horreeyey oo dhaca tani iyo 1972-kii.

About Author