Muqdisho:– Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha ayaa saakay u amba-baxay Gobolka Gado si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda abaar ee ka tagan deegaanada gobolkaas.

Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale.

Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo maamulka gobolka Gedo si ay ugu kuurgalaan xaalada abaaraha ee laga soo sheegaayo deegaanada hoostago Gobolka Gado

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha si ba’an ay u sameysay abaarta, waxayna Dowladda Federaalka u sameysay shacabka gobolkaas gurmad deg deg ah oo looga jawaabayo xaaladda bini-adanimo ee la soo gudboonaaday.