Post View....

Dowladda Soomaaliya oo Tallaalka COVID-19 gaarsiisay Galmudug+Sawirro

0
170

Muqdisho:-Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta la wareegtay Tallaalka cudurka safmarka ah ee COVID-19.

25-kun oo Doos oo ah nooca talaalka mashruuca COVAX ee loogu talagaley In looga hortago qatarta safmarka COVID-19 ayaa laga soo dajiyay garoomada diyaaradaha Samareeb iyo Gaalkacyo, waana qayb ka mid ah tallaalka loogu deeqay Soomaaliya oo wadar ahaan ah Hal Milyan Iyo Laba boqol oo kun.

Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka Diyaarada Samareeb ayay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kula wareegeen wejiga koowaad ee talaalka oo ay ka faa’iideysan doonaan 25-kun oo qof.

About Author