
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada qaar iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga furmay Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shirka uu sirasmi ah u furmay, isla markaana ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay in uu rajeyno inay dib uga soo biiraan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ujeedaka shirka uu ahaa Maalinta koobaad in ay wada-hadallo isku soo dhawaansho ah ay yeesheen Madaxda kala duwan maadama uu khilaaf jiray, hayeeshee ay xusid mudan tahay in Deni & Axmed Madoobe oo uu khilafka kala dhaxeeyay Farmaajo aysan imaan shirka.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar dubbe waxaa uu sheegay in shirka uu sii socon doono, waxaana uu ugu baaqay Madaxda shirka ka maqan inay berito kasoo qeyb galaan.