Post View....

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay sida ay u aragto Madal Muqdisho looga dhawaaqay

0
143

Waxaa khamiistii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal loogu magac daray Badbaado Qaran ay ku mideesan yihiin Madaxda maamulada Puntland, Jubbalaland, Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Musharaxiinta Mucaaradka.

Madashan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaana hogaankeeda sheegeen in loo dhisay sidii dalka loo bad baadin lahaa loogana shaqeyn lahaa in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ku dhacda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya Cusmaan Abuurkar Dubbe oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xili dalku aadayo in dalka looga dhawaaqo isbaheysi uu ku tilmaamay doorasho la dirir.

“Waxaan runtii aad uga xunahay in iyaddoo dalku aadeyo doorasho ay siyaasiyiinta qaar ku mashquulaan in ay sameeyaan isbaheysiyo – isbaheysiyadaas oo ah doorasho la dirir. Isbaheysiyada doorasho la dagaalanka ahi ama doorasho diidka ahi waxay nagu celinayaan jid qaldan iyo jid dib-u-dhac,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka.

Madashan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa siyaasiyiinta ku mideesan waxa ay yihiin kuwa si weyn uga soo horjeeda siyaasada iyo hab maamulka Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, iyagoona ka shaqeenaya sidii meesha looga saari lahaa .

About Author