Post View....

Dhimashada Magufuli: Waa tuma Saamiya Suluhu Xasan, oo la filayo in ay madaxweyne ka noqoto Tanzania?

0
141

Mama Saamiya Suluhu Xasan oo madaxweyne ku xigeenka Tanzania ahayd, tan iyo 2015-kii, ayaa la filayaa in ay xilka madaxweynaha la wareegto ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaas, John Magufuli.

Saamiya waxay xilka sii hayn doontaa inta ka dhiman muddada madaxweynaha oo ah illaa 2025, sida uu qabo dastuurka Tanzania.

Waxaa la filayaa in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ugu sarreeya ee Tanzania. Sidoo kale waxay noqoneysaa madaxweynihii labaad ee Tanzania ee ka soo jeeda Zanzibar.

Madaxweynihii ka soo jeeday Zanzibar ee xilka kaga horreeyay wuxuu ahaa Cali Xasan Mwinyi, kaas oo dalkaa hoggaaminayay muddo 10 sano ah – 1985 illaa 1995.