Post View....

Dagaalka Tigray”Nin la sheegay inuu Qaramada Midoobay ka tirsanaa iyo arrimo kale oo been ah

0
236

Xiisad colaadeed oo heer sare mareysa ayaa wali ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya, iyadoo ay soo baxayaan eedeymo ku aaddan tacaddiyo bani’aadannimo iyo halis la xiriirta in ay sii jirto xasilooni darrada.

Dagaalka ayaa qarxay bishii November ee sanadkii 2020-kii kaddib markii ciidamada dowladda Itoobiya ay weerar ku qaadeen xoogagga maxalliga ah ee Tigray, kuwaasoo markii hore qabsaday saldhigyo militari oo ay dowladdu leedahay.

Xilli ay aad u adag tahay in la helo warar madax bannaan oo gobolka ku saabsan, waxaa in muddo ahba baraha bulshada qabsaday macluumaad marin habaabin ah oo labada dhinacba ay faafinayaan.

‘Diblomaasiga Qaramada Midoobay’ ee aan la aqoonin

Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee Itoobiya (EPA), ayaa soo tabisay in diblomaasi sare, oo horay ula shaqeyn jiray Qaramada Midoobay, uu Twitterka soo galinayay qoraallo uu ku taageerayo waxyaabaha ay sameysay dowladda Itoobiya.

Screengrab of post quoting George Bolton

Bogga ay EPA ku leedahay Facebook ayaa lagu soo bandhigay tweet uu ku asteysan yahay magaca George Bolton, kaasoo cinwaankiisuna yahay @GboltonUN.

“Mr Bolton” – oo isku tilmaamay inuu yahay falanqeeye siyaasadeed iyo inuu horay uga tirsanaa Qaramada Midoobay – ayaa hoggaanka Tigray ugu yeeray “arxan laaweyaal”, wuxuuna sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel, isagoo intaasna sii raaciyay in Mareyknaka looga baahan yahay inuu bannaanka ka joogo dagaalkaas.

Isla qoraalkaas ayaa kasoo muuqday bogagga ay EPA ku leedahay Facebook ee ku baxa luuqadaha Amharic iyo Tigrinya.

Hase yeeshee BBC-da waxay weysay macluumaad ah oo ku saabsan ruuxan, Qaramada Midoobayna waxay noo sheegeen in aysan wax xog ah ka heynin qof horay shaqaale uga ahaa oo magacaas leh – markii la eegay macluumaadkii shakhsiyaadka shaqaalaha kasoo noqday Qaramada Midoobay tobankii sano ee ugu dambeysay.

Sawirka qofkaas cinwaankiisa saaran waa mid uu hal sano ka hor baaritaan ku waday wargeyska Financial Times oo dabagal ku hayay sawirro sameyntooda loo adeegsaday qalabka tiknoolojiyadda.

Wuxuu isla sawirkaas ahaa mid ka mid ah tusaaleyaasha loo soo qaatay kuwa lagu sameeyay tiknoolojiyaddaas.

Waxaa kale oo aan ogaannay in qoraalladii lasoo dhigay cinwaankaas Twitter-ka ah la wada tiray, iyo in muddo hal isbuuc gudaheed ah sawirka saaran profile-ka la baddalay dhowr jeer.

Screengrab of George Boltons pseudo account

Xitaa hal mar cinwaankaas waxaa saarnaa sawirka xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee hadda xilka haya, Antonio Guterres – wuxuuna ahaa isla cinwaanka aqoonsigiisu yahay @GboltonUN.

Dhowr maalmood kaddibna waxaa lagu baddalay sawirka qof kale, laakiin magaca wuxuu ahaa isla kii.

Sawri marin habaabin ah ‘ayaa burburiyay kaniisad’

Dagaalka Tigray wuxuu sababay burburinta dhismeyaal badan, oo ay ku jiraan kaniisado.

Hase yeeshee, sawir si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, oo ay ka muuqdeen labo habeen ah oo duceysanaya iyagoo taagan dhisme burbursan dhinaciisa laguna sheegay in dhismahaas uu ahaa kaniisad la burburiyay, ayaa lagu sheegay inuu ahaa sawir marin habaabin ah.

Xitaa ma ahayn sawir laga qaaday gudaha gobolka Tigray.

Screengrab of post on Eritrean church

Baaritaan lagu sameeyay sawirkaas ayaa lagu ogaaday in Facebook lasoo galiyay bishii July ee sanadkii 2018-kii. Website dib u raaca sawirrada ayaa caddeeyay in goobta laga qaaday sawirkaas ay ku taallo magaalada Adi Keih ee dalka Eritrea.

Waxay ahayd kaniisad ku burburtay duqeyn ay diyaaradaha Itoobiya ka fuliyeen Eritrea 20 sano ka hor, xilligaas oo ahayd 1999-kii.

BBC-da ayaa soo aragtay goobta ay ku taallay kaniisaddaas la weeraray waxaana kusoo aragnay dhisme la mid ah kan ka muuqda sawirka la faafinayay.

Carruurtan ooman kuma sugna Tigray

Screengrab of childern drinking water from a puddle

Sawir muujinaya labo wiil oo biyo ka cabaya goob dhiiqo ah ayaa ku faafay baraha bulshada, waxaana lagu sheegay in ay yihiin kuwo jooga Tigray oo uu dagaalka saameeyay.

Laakiin sawirkaas ma aha mid laga soo qaaday Tigray – waa mid laga soo qaaday gobolka koonfur-bari Itoobiya ee ay ku nool yihiin dadka ku hadla afsoomaaliga.

Waxaan sawirkan ka baarnay Facebook, waxaana ogaannay inuu soo galiyay qof lagu magacaabo Sayid Cabdiraxmaan, kaasoo BBC-da u sheegay inuu sawirkaas kasoo qaaday xaafad lagu magacaabo Awil oo dhacda koonfurta waddankaas, xilligaasna ay ahayd bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Cabdiraxmaan wuxuu si joogto ah baraha bulshada usoo dhigaa sawirro iyo xog ku saabsan xaaladaha biyaha iyo nadaafadda ee la xiriira gobolka Soomaalida Itoobiya.

War been abuur ah oo lagu sheegay “in Mareykanka uu baaritaan wado”

Screenshot of Ethiopian Herald front page, with 'False' banner

Bishii February, hayadda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa shaacisay warbixin ay uga hadleysay tacaddiyo bani’aadannimo oo ay sheegtay in ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea kaddib markii bishii November ee 2020-kii weerar lagu qaaday magaalada taariikhiga ah ee Axum oo ku taalla gobolka Tigray.

Eedeymahaas waxaa beenisay dowladda Itoobiya, oo ku tilmaantay “waxyaabo la been abuurtay.”

Wax yar kaddib, warbixin ay soo saartay hay’adda Herald ee taageersan dowladda, ayaa lagu sheegay in koox baaritaannada sameysa oo ka socota hayadda gargaarka Caalamiga ah u qaabilsan Mareykanka ee USAID ay booqdeen magaalada Axum laakiin “laakiin ay halkaas ka waayeen hal goob oo qabuuro ah iyo dad qaraabo la ah” kuwa la sheegay in lagu laayay xasuuqa toona.

Balse USAID ayaa sheegtay in aysan waligeed koox baaritaan sameysa u dirin magaalada Axum.

“USAID ma aysan sameynin wax baaritaan ah mana aysan dirin koox baaritaan kusoo sameysa warbixinta lagu sheegay dhacdooyinka ka dhacay Axum,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay hayaddan oo lasoo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka.

About Author