Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay xireen garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM eek u sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ay dhagaxaan ku Xiray Garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib Markii shacabka Ceelwaaq ay dalbadeen in dib loo furo Garoonka Si loogu soo Gurmado Dadka u dhamaanayo Gaajada iyo Haraadka iyo Abaarta ka dilaacday Guud ahaan Gobolka Gedo.
Gobolka Gedo ayaa waxaa xilligaan ka jirta abaar ba’an oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada,waxaana maalmihii la soo dhaafay halkaasi gaajo ugu dhintay Waayeel iyo Caruur.
Dhanka kale tani ayaa ka dhignaan doonta in garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq gebi ahaanba aan wax duulimaad ah ka jirin,islamarkaana gar-gaarka bini’aadanimo meel loo mariyo la waayi doono.