Post View....

Ciidamada Dowladda oo howlgallo amni ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Afgooye (Sawirro).

0
139

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ka mid ah deegaanno ay ciidamada dhawaan ka xoreeyeen dhagar qabayaasha Al-Shabaab.

Deegaannada ay ciidamada howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beerre oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa bulshada ku nool deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen u qeybiyay raashin iyo daawooyin, maAdaama bulshadaasi ay ahaayeen kuwo nugul, isla markaana aan heysan waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha beni’aadamka si ay u dareemaan naxariista dowladnimada

Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali Madaale Qaran oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay aad ugu farxeen markii ay arkeen ciidamada, waxaana uu bulshada ku booriyay inay labo jibaaraan sida ay u garab taaganyihiin ciidamada.

About Author