Post View....

Ciidamada Dowladda oo fashiliyay gaari Qarax ay ku soo rareen Maleeshiyada Al-Shabaab.

0
96

Muqdisho:- Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ayaa u suurta gashay in ay gaari siday qarax ku gubaan deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada oo saakay aroortii howlgal qorsheysan kula jarmaaday deegaanka Tooratootow ayaa fashiliyay gaari noociisa uu yahay Saaruf oo argagixisada ay ku soo rareen walxaha qarxa.

Gaariga oo xogtiisa ay sii hayeen ciidanka Danab,islamarkaana maleeshiyada ay diyaariyeen ayay ciidanka halkaas ku qarxiyeen, waxaana ku dhintay dhagar qabihii gaariga waday.

Al-Shabaab ayaa doonayay in ay gaarigaas qaraxa ay ku dhibaateeyaan Shacab masaakiin ah, balse ay ciidanka xoogga dalka ka hortageen.

About Author