Post View....

C/Raxmaan C/Shakuur “Farmaajo wuxuu abuuray shabakad danaystayaal ah oo dadka iyo dalka u naxaynin…”

0
97

Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur ayaa bartiisa Internet-ka ku soo qoray qoraal uu si weyn ugu cambaaraynaayo Madaxweyne Farmaajo, qoraalkaas ayaa u qornaa sidaan:-

Farmaajo oo ay maanta bil sharci dari ah u buuxsan tay ayaa doonaya inuu nolol siyaasadeed ka raadiyo xilkasnimada iyo biseylka shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah,mar walba wuxuu ku kacaa daandaansi gacan ka hadal ah, si looga jawaabo mid tiisa la mid ah.

Ma aha nin u turaya taariikh hore, sababtoo ah dadaal kama soo gelin dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta dadka. Rajo kama laha in uu reebo raad wanaagsan, sababtuna waa in uusan qaban hawl wanaagsan oo uu beri ku faani karo. Wuxuu doonayaa in uu na kala dooransiiyo diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye.

Wuxuu abuurtay shabakad danaystayaal ah oo dadka iyo dalka u naxaynin. Waxaan ku diidaynaa is xakamayn, siyaasad xilkasnimo leh iyo iska caabbin madani ah, waana hubaal in maalmaha u harsan ay tirsan yihiin.

About Author