Post View....

BIG NEWS: Kenya Oo La Sheegay In Badda Soomaaliya Sun Ku Daadisey

0
111

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Maanta halkaasi dadku ku arkeen Kalluun badan oo soo caariyey Xeebta Magaaladaasi.

Sawirro iyo Muuqaal laga soo duubay ayaa laga arki karay Malaaygaasi tirade badan oo dhamaantiis baqtiyey hadal heyn badan ayaana magaalada ka jirta.

Ciidamada Kenya Ee Kusugan Dekada Kismaayo ayaa lagu Eedeeyey inay Markab Sun siday uu ku daadiyey Badda,gaar ahaan Jasiiradaha Kudhaa iyo Fuuma,islamarkaana Kalluunka soo caariyey ay Suntaasi keentay.

Ma heyno faah faahino intaan ka badan ee la bixiyey xilli Dawlada Kenya iyo Maamulka Jubbaland Ee Kismaayo ka arimiya aysan wax war ah soo saarin.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalin kadib la guda galayo Dhageysiga Dacwada Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya oo Maxkamada ICJ Ee Dalka Holland loo ballansan yahay.

About Author